Wasaaradda Haweenka Puntland oo Kulan u qabatay qaar kamid ah Shacabka Garowe

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) — Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa haweenka ku dhaqan Magaaladda Garoowe u qabatay kulan diimeed wacyi-galin ah oo looga hadlayo xumaha Xanta iyo Beer abuurka oo xaaraam ka ah diinta Islaamka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa waxaa ka soo qayb-galay wasiirka wasaarada haweenka puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin,Culimo,haween,ardayda jaamacadaha Garoowe,shqalaaha wasaarada iyo mari sharaf kale.

Agaasimaha Waaxda arimaha qoyska iyo wacyi galinta diinta Xaliimo Maxamed Faarax oo ugu horayn kulan ka hadashay ayaa sheegtay in kulaan loo soo abaabulay sidii haweenka looga wacyi galin lahaa in ka dheeraadaan xanta iyo Been Abuurka islamarkaana ay ku dhaqmaan diinteena Suubaan ee Islaamka.

Shiikh Axmed Maxamed Faarax(Dabiix) oo kamid ahaa culimadii muxaadarada ka jeedisay kulanka ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay diintu ka qabto Xanta iyo Been Abuurka waxaana uu sheegay in dadka Muslimiinta ay xaaraam ka tahay in ay is xantaan isagoona arinkaas u soo daliishaday aadayo qur,aanka iyo xadiiska Nabigeena,shiikha ayaana sheegay in wanaaga iyo karaamadu ay ku jirto cabsida Eebe.

Ugu danbayntiina Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ku dadaali doonto sidii umada ay ugu wacyi galin lahayd tubta toosan ee diinta islaamka.

Wasiir Aniso ayaa sheegtay in ahmiyad gaar ah siin doonto arimaha diinta isku wacyi galinta Diinta Islaamka waxaana ay sheegtay in kulamada noocaan oo kale ah ay joogtayn doonaan ay dhawaan qaban doonaan kulamo kale oo bulshada lagu wacyi galinayo ku dhaqanka diinta Islaamka.

Wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska dowladda puntland ayaa mudooyinkii danbe waday wacyi galin ku saabsan ku dhaqanka iyo fahanka diinta Islaamka waxaana talabaadan si weyn u soo dhaweeyey ka soo qayb-galayaasha kulankan.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com