Shan ruux oo isku qoys ah oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho, July, 19 – Ugu yaraan dhan ruux ayaa oo isku qoys ah ayaa ku dhintay magaalada Muqdisho, ka dib markii uu dusha ka maray gaari nooca xamuulka qaada ah gaarigii ay la socdeen oo ahaa nooca mini-baska ah, halkaas oo shanta ruuxba ay ku dhinteen.

Sidoo kale shilkaasi waxaa ku dhaawacmay sedex qof oo ka mid ahaa dadkii gaariga yar la socday, sida ay Daljir u sheegeen dad goobta ku sugnaa.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood la sheegay inay ka tirsanaayeen dadka barakacayaasha ee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana shilka ka dib ku soo xoomay goobta dad weyne aad u naxsan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com