Khaliif Ciise Mudan oo loo dhaariyey xilka wasiirka amniga oo maalmo ka hor loo magacaabay.

Garowe, July 20 – Waxaa si rasmi ah xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe lagu dhaariyey wasiirka cusub ee wasaaradda Amniga iyo hub ka dhigista Puntland duuliye sare Khaliif Ciise Mudan, Kaasoo 18-kii bishaan uu magacaabay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.

Dhaarta wasiirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Gen. C/Samad Cali Shire iyo weliba xubno ka tirsan golaha wasiirada, waxaana mudane Khaliif Ciise Mudan uu dhaartiisa ka dib saxaafadda u sheegey in uu si wanaagsan uga soo bixi doono shaqada loo dhaariyey taas oo ah dardar-gelinta Amniga gobollada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. C/Samad Cali Shire oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay xilka loo dhaariyey wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland Khaliif Ciise Mudan, Kaasoo uu sheegey in uu aqoon buuxda u leeyahay hawsha loo xilsaaray.

Dhanka kale maxaxweyne ku-xigeenku wuxuu ka hadlay deegaanka Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo marar badan ay dagaallo ku dhex-mareen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad taabacsan Maxamed Siciid Atam. Gen._C/Samad Cali Shire ayaa daaha ka rogey in kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Aman ay ku jiraan dhilinyaro ka soo jeeda Puntland, wuxuuna ugu baaqay in ay ka soo baxaan iyagoo u turaya naftooda iyo dalka intaba.

Dhaarta wasiirka cusub ee Amniga iyo hub ka dhigista Puntland Khaliif Ciise Mudan, ayaa ku soo beegmeysa xilli mudooyinkii dambe aad looga walaacsanaa xaaladda nabad-galyo ee gobollada, ayna soo kordheen falal dilal qorshaysan ah.

Cabdi Xasan Rooble Awoowe
Daljir Garoowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com