Khaliif Ciise Mudan oo loo magacaabay wasiirka amniga ee Puntland.

Garowe, Jul 18 – Wareegto ka soo baxday madaxtoyada Puntland, cadadkeeduna yahay 40, uuna ku saxiixnaa M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’, soona baxday 18-ka July 2011 ayaa lagu magacaabay wasiirka amniga, hub-ka-dhigista & dhaqancelinta ee Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Md. Khaliif Ciise Mudan oo hore u haa duuliye, muddana ku ladhnaa siyaasada Puntland iyo tan Somaliya ayaa ah ganacsade laga yaqaab gobollada Puntland.

Sidoo kale, wareegto cadadkeedu ahaa 41 soona baxday isla 18-ka July 2011 ayaa lagu magacaabay wasiiru-dawlaha Sharciga ee madaxtooyada Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr oo hore u ahaa wasiirka amnga ee Puntland.

Gen. Yusuf Axmed Khayr waxaa uu xilka kala wareegay Gen. C/llahi Siciid Samatar.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com