Sh. Mursal Cabdiraxmaan: “Shacabka Xeraale Xoog ayey Raggaas Isaga Saareen” (dhegayso)

Sh. Mursal Cabdiraxmaan: “Shacabka Xeraale Xoog ayey Raggaas Isaga Saareen” (dhegayso)

Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud waxaa muddo ka badan bil ku dagaalamay Ciidamo ka tirsan Ahlusunna iyo maleeshiyaad deegaanka ah, iyada oo dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan iyo barakac ay sameeyeen kumannaan shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Xeraale ay caawa dagan tahay kadib markii ciidanka Ahlusunna ay saakay barqadii isaga huleeleen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Galmudug, Sh. Mursal Cabdiraxmaan Axmed, oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa ka hadlay xaaladda Xeraale iyo dagaaladii dhacay, iyo sidoo kale faahfaahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Wasiirkaan ayaa shegay in shacabka Xeraale ay xoog isaga saareen Ciidankii Ahlusunna, sidoo kale ay tahay Guul u soo hoyatay Galmudug.

Cumar Lakiman oo ku sugan Daljir Caabudwaaq ayaa Wasiirka waraystay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com