Galmudug iyo Ahlusunna oo ku Dagaalamay Duleedka Dhuusamareeb ee Mirig (dhegayso)

Galmudug iyo Ahlusunna oo ku Dagaalamay Duleedka Dhuusamareeb ee Mirig (dhegayso)

Dagaal socday muddo ka badan saacad ayaa maanta ciidamo ka kala tirsan Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug ku dhexmaray inta u dhaxaysa deegaanka Mareer-gur iyo Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Mirig oo qiyaastii 14KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu yimid kadib markii Ciidamo kat irsan Galmudug ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay daganaayeen Ciidanka Ahlusunna.

In kasta oo aan la xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka hadana Daljir waxay ogaatay in 2 kamid ah dhinacyadii dagaalamay ay ku dhaawacmeen, wallow aan la ogayn khasaaraha dhimasho.

Xaaladda ayaa caawa ah mid dagan waxaana goobtii lagu dagaalay ku sugan ciidanka ahlusunna oo horay u maamulayay, iyada oo ciidankii Galmudug ay dib isaga laabteen halka ay ka soo duuleen.

Goobjooge magaciisa qariyey sababo amaan ayaa inooga waramay dagaalka iyo xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ee Mirig.

Cumar Lakiman oo ku sugan istudiyaha Daljir Caabudwaaq ayaa warkaas inoo haya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • macruuf Abdiqadir Ali 7 years ago

    idacada geyigena logu jecelyahay ee daljir.
    dhaman dadihiyasha sharaftaleh wan idin salamaya
    magacayga wa abdiweli abdiqadir(macruuf)
    sxb yal horta idacadan aad ban udhagaysta oo ugu xirnahay markasta
    waxan utacsiyeynaya dadka ku waxyelobay
    degaalka ahlu suna iyo galmudug udhaxeya
    waxan ku baqayna anoo ku hadlaya dhalinyarada rer puntland
    in nabada ladhawro oo lonaxo dadka rayidka
    aan laga qaxin deganadoda
    wadada hadalna walagu dhameyo tabashada labada dhinacba wa nasiib daro in manta dadka somaliyeed dhigoodu isku hilaaco
    asc wr wb

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com