HomeUncategorized

RW Cumar Cabdirashiid oo lagu wado in uu Maanta Booqdo Kismaayo

Axad, Juun 21, 2015 (Daljir) — Wafdi uu horkacayo Raiisul-wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.Ilo xog ogaal ah oo uwaramay warbaahinta ayaa sheegay in xubno wasiiro ah ay kamid yihiin wafdiga Raiisulwasaaraha.

Bank Moon ?Afrika weli waxaa ka jira dembiyada la abaabulo, Burcad-badeeda iyo Argagixisada?
DHEGEYSO-Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo Madaxweynaha oo kahadlay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi.

Axad, Juun 21, 2015 (Daljir) — Wafdi uu horkacayo Raiisul-wasaaraha dowladda Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.Ilo xog ogaal ah oo uwaramay warbaahinta ayaa sheegay in xubno wasiiro ah ay kamid yihiin wafdiga Raiisulwasaaraha.

Maamulka Jubaland ayaa ku adkaysanaya in wafdiga ka socda DFS ee wadahadalka u imaanaya Kismaayo marka hore cadeeyaan mowqifkooda ku aadan go’aankii baarlamaanka ka hor inta aan la wada hadal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Jubaland aysan ictiraafsanayn gudiga Raiisul-wasaaruhu magacaabay waxayna ubadan tahay in socdaalka Raiisulwasaaraha ay arintan la xidhiidho ,iyadoo ay jiri doonaan kulamo muhiim ah oo labada dhinac ku dhex mar doona Kismaayo.

Raysal-wasaaraha ayaa booqanaya Kismaayo markii labaad muddo ka yar laba bil ,waxaana lagu wada inta uu jooga in la isla garto waxyaabaha asaaska u ah khilaafka ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: