RW Cumar Cabdirashiid oo lagu wado in uu Maanta Booqdo Kismaayo

Axad, Juun 21, 2015 (Daljir) — Wafdi uu horkacayo Raiisul-wasaaraha dowladda Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.Ilo xog ogaal ah oo uwaramay warbaahinta ayaa sheegay in xubno wasiiro ah ay kamid yihiin wafdiga Raiisulwasaaraha.

Maamulka Jubaland ayaa ku adkaysanaya in wafdiga ka socda DFS ee wadahadalka u imaanaya Kismaayo marka hore cadeeyaan mowqifkooda ku aadan go’aankii baarlamaanka ka hor inta aan la wada hadal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Jubaland aysan ictiraafsanayn gudiga Raiisul-wasaaruhu magacaabay waxayna ubadan tahay in socdaalka Raiisulwasaaraha ay arintan la xidhiidho ,iyadoo ay jiri doonaan kulamo muhiim ah oo labada dhinac ku dhex mar doona Kismaayo.

Raysal-wasaaraha ayaa booqanaya Kismaayo markii labaad muddo ka yar laba bil ,waxaana lagu wada inta uu jooga in la isla garto waxyaabaha asaaska u ah khilaafka ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com