Wariye ka tirsan Al-jazeera oo lagu xiray Berlin

Axad, Juun 21, 2015 (Daljir) — Tv-ga Al-jazeera ayaa sheeagy in mid kamid ah shaqaalahooda lagu xiray dalka Jarmalka ka dib markii dowladda Masar ay dalbatay in la qabto wariyahaas.

Ahmed Mansour oo ka tirsan qaybta Carabiga ee Al-jazeera ayaa la xiray xilli oo doonayay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berlin ,waxaana ilaa iyo hadda gacanta ku haya laamaha amniga ee Jarmalka.

Maxkamad ku taala Qaahira ayaa wariyahan ku xukuntay xabsi dhan 15-sano ,iyadoo masuul u hadlay Tv-ga uu sheegay in eedaymahaas ay yihiin waxba kama jiraan.

“Wali waxaan ku xiranahay madaarka Berlin ,waxaana sugayaa in la ii kaxeeyo maxkamad danbiyada baarta “ ayuu twitter-kiisa ku soo qoray Mansuur oo 52-sano jir ah.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com