RW Cabdiweli oo ciidamada u balan-qaaday in xukuumadiisu ay si dhow ula socon doonto (Dhegeyso)

Muqdisho, January 1, 2014 – ?Ra?isal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed ayaa maanta booqday xaruunta wasaaradda gaashaandhiga, halkaas oo u shir kula qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada dowladda, madaxda wasaaradda gaashaandhiga iyo ra?isal wasaaraha dalka ayaa ka wada-hadlay amaanka guud iyo weliba howlaha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sida ay u socdaan.

Waxaa la isla soo qaaday qorshayaal ay damacsan tahay dowladda Soomaaliya oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, wasaaradda gaashaandhiga ayaa xustay in la diyaariyey ajandayaal ururka lagagala wareegayo meelaha ay haystaan.

?Saraakiisha waxaan kula dardaarmayaa inay ciidanka ku dhex noolaadaan, hadii ciidanka laga maqnaado way kala tegi karaan wax badan baa is dhimaya, marka ciidanka si joogta ah ha loola joogo.? Ayuu yiri Dr. Cabdiweli

Ra?isal wasaaraha ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya kula dardaarmay inay xasuustaan isla markaasna gutaan waajibaadka qaran ee saaran, iyagoo looga baahan yahay ilaalinta shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: – Ra?isal wasaare Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed oo ka hadlaya arrimo badan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com