Madaxweynaha Kenya oo amaanay shaqada iyo ciidankooda jooga gudaha Soomaaliya

Nairobi, January 1, 2014 – Madaxweynaha dowladda Kenya Uhurru Kenyatta oo xalay dadweynaha Kenya kala hadlayey Television-ka ayaa u mahadceliyey ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM ee gudaha Soomaaliya.

Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya ay qayb ka yihiin sugida amniga gudaha Kenya.

Dadka Kenyaanka ah ayaa ?madaxweynuhu u sheegay hadii amniga gobolka uu yahay mid nabad ah inay Kenya noqonayso? mid nabdoon oo ka fogaata khatarta argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee ka imanaya dalalka deriska.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka gaysatay dalka Kenya, sidoo kale ururka ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay sii wadi doonaan weeraradooda ka dhanka ah ciidanka Kenya intay joogaan gudaha dalka

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com