
Kismaayo, January 1, 2014 – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka KM ah ee Jubba ayaa degniin u jeedisay ciidamada amaanka ee maamulkaas, xili magaalada Kismaayo ay ku soo kordhayaan dhulka la isku haysto
Askar ka tirsan kuwa maamulka ayaa la sheegay inay ilaaliyaan dhulka la isku haysto qaarkood.
Gen. Maxamed Faarax Darwiish wasiirka arrimaha gudaha ee Jubba ayaa ciidamada uga digay inay lug ku yeeshaan dhulka la isku haysto, wuxuu amray in talaabo adag laga qaado askarigii lagu arkay ilaalin dhul rayid isku haysto
Wasiirka ayaa sheegay intalaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadayo ciidanka faraha la galla howshaas, sidoo kale wasiirka ayaa xaqiijiyey in ciidankoodu lug ku lahaa afduubyo ka dhacay magaalada Kismaayo dhowrkii habeen ee u dambeeyey
Gen. Darwiish ayaa faray ciidamada amaanka inay gacanta ku soo dhigaan askarta istaaga wadooyinka iyo kuwa ka qayb qaata khalkhal gelinta amniga iyo dhibaataynta bulshada, isagoo ku tilmaamay calooshood u shaqaystayaal talaabo laga qaadi doono
Diiwaanka wararka
Radio daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN