Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa ka Tacsiyadeedyay geeridii ku timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tacsi leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa marxuum Cabdi Waraabe Allah uga baryay naxariistii janno, dhammaan ehelka uu ka baxay iyo umadda Soomaaliyeedna uu Samar iyo Iimaan Ka siiyo.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo salaadii Jimcaha kadib ku geeriyooday Hargeysa ayaa waxa uu dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad waxa uuna kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa ka Tacsiyadeedyay geeridii ku timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf”

  1. Shuuqi

    Alle ha u naxariisto xaaji cabdiwaraabe isaga iyo muslimiinta dhammaan wuxuu ahaa odey somaliyeed ilaa iyo ingiriiskii ee alle ha u naxariisto

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com