Dowladda oo ka hadashay tallaabadii Kenya ku joojisay duulimaadkii tooska ahaa ee Nairobi

HomeWararka

Dowladda oo ka hadashay tallaabadii Kenya ku joojisay duulimaadkii tooska ahaa ee Nairobi

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay joojisay duu

WARBIXIN XIISO LEH: NFD Soomaaliya sidee ku noqotay Waqooyi Bari Kenya (Daawo)
SAHANKA DALJIR & DDS: feeracad ilaa dhaqayaboor (Q6aad)
Imran Khan oo lagu soo eedeeyay dami uu xabsi ku muteysan karo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray magaalada Muqdisho, kuwaasoo tagi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Khamiistii ay soo gaartay warqad ka soo baxday laanta duulista Hawada ee dalka Kenya, taasoo ku xusneyd in wixii ka dambeeyay maanta oo Jimco ah 10-ka May, diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Mr. Oomaar ayaa sheegay in isaga xitaa aanu ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaaday Xukuumada Nairobi, balse dhankooda ay wadaan la tashiyo arrinkaasi ka dhan ah, isagoo tilmaamay inay dib ka soo sheegi doonaan waxa ay noqoneyso fal celintooda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo amni ay la xiriirto tallaabadan cusub ee Kenya qaaday, isagoo ku faanay in amniga garoonka Muqdisho uu la mid yahay kuwa waa weyn ee Caalamka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan iney jirto dhaqaale xumo dowladda Kenya ka soo wajahday dakhligii uga soo xaroon jiray garoonka Wajeer, iyadoo warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation ay muujineyso in tan iyo markii dib loo bilaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, garoonka Wajeer uu khasaaray 19­kun oo dollar­ka Mareykanka.

Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilowday sanadkii 2017, kaddib markii dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ay gaareen heshiisyo dhowr ah oo ku saabsanaa iskaashiga iyo socdaalka, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay diyaaradaha ka bixi jiray Muqdisho ayaa toos uga degi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana dadka ka baxa Muqdisho ku qaadan jirtay inay Nairobi ku tagaan saacad iyo bar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: