Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa ka Tacsiyadeedyay geeridii ku timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa ka Tacsiyadeedyay geeridii ku timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tacsi leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed e

Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Alshabaab
Oday dhaqameed ku sugan Qardho oo cabiray dareenkiisa colaadda Tukaraq (dhegayso)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tacsi leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa marxuum Cabdi Waraabe Allah uga baryay naxariistii janno, dhammaan ehelka uu ka baxay iyo umadda Soomaaliyeedna uu Samar iyo Iimaan Ka siiyo.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo salaadii Jimcaha kadib ku geeriyooday Hargeysa ayaa waxa uu dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad waxa uuna kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Shuuqi 5 years ago

    Alle ha u naxariisto xaaji cabdiwaraabe isaga iyo muslimiinta dhammaan wuxuu ahaa odey somaliyeed ilaa iyo ingiriiskii ee alle ha u naxariisto

DISQUS: