Qaxootiga Somalida ee xerada Dhadhaab oo ay ammaan xumo soo food saartay

Dhadhab,Mar 9 -Dadka qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab ee dalka kenya ayaa ka cabanaya ammaan xumo soo foodsaartay xilliyadii ugu dameeyey .

Dadka qaxootiga ah ee Somalida ayaa 20kii sano ee ugu dameeyey soo gelayey xeradda Dhadhaab oo ah xerada qaxootiga ee ugu weyn caalamka.

Iyadoo xilliyadii ugu dameeyey xadka Somalia iyo Kenya ay ka dhacayeen falal ammaan xumo ah ayaa dadka xeradaasi ku nool dareemayaan in aanay ku noolayn meel lagu badbaado.

Qaxootiga ku nool xerada Dhadhaab ayaa kordhay sanadkii hore markii macaluushu ay ku dhifatay Somalia , iyadoo immika ay halkaasi ka baxeen hay’adihii gargaarka ,kaddib markii afduub lagula kacay.

?iyadoo ay ammaandarradu ugu wacantahay ma jirto farqi u dhexeeya Somalia iyo halkan ” sidaasi waxaa tidhi gabadh 20 jir ah oo xeradaasi ku nool oo lagu magcaabo Bishaara.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa 90 km u jirta xadka ay kenya la wadaagto Somalia ,waxana sida la tilmaamay ku sugan qolyo denbiilayaal iyo mintid ah .
Nin xeradaasi degan oo lagu magcaabo Cabdalla Ibraahim ayaa leh xaaladu waa ay sii xumaatay.

” waxaa jira dad habeenkii hub la yimaada xeradan , markaasi khatartu waa ay sii kordheysaa” ayuu yiri Cabdaala Ibrahim.

Dadka degaanka ayaa ka cabanaya ammaandarada ,iyadoo ciidamada Police-ku aanay joogitaan ku lahayn xeradaasi.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com