Xaalad biyo yari ah oo laga dareemayo degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar.

Qardho,Mar 10 -Xaalad biyo yari oo saamaysay dadka iyo xoolaha ayaa lasoo sheegayaa inay ka jirto degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo u waramay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay biyo yaraantu in laga dareemayo tuulooyinka, Hurdiye ,Xando iyo Baarmadoowe oo dhamaantood katirsan gobolka Karkaar.

Waxaa uu sidoo kale sheegay biyo la’aantu inay sabab u tahay roobabkii la filaayay oo aan da’in iyo ceelshii biyaha oo qaarkood cilad farsamo ay soo wajahday.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay dowladda Puntland iyo hay’adaha QM inay u direen baaq ay ku codsanayaan in gurmad loo sameeyo dadka deegaanka.

Mar wax laga weydiiyay saamaynta nololeed ee biyo la’aantu sababtay ayaa waxaa uu sheegay,dadku inay qarka u saaranyihiin inay u dhintaan biyo la’aantan ayna jiraan xoolo u geeriyooday biyo la’aanta ka jirta deegaano ka mid ah gobolka Karkaar.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com