HomeUncategorized

Khamri badan oo lagu gubay Garowe, iyo hawlgal lagu dagaalamayo maandooriyaha oo xilligaan socda.

Caption ...

Xildhibaanada cusub oo markale Muqdisho ku shirsan iyo 17 horleh oo ladhaariyey.
Odayaasha gobolka Gardafuu oo qaylo dhaan kasoo saaray adeegyada bulsho ee gobolka iyo golaha xukuumadda
(Dhagayso) Barnaamijka Caawa iyo Daljri Talaado 12 – April – 2016 Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim

Garowe, March, 08 ? Ciidamada ammaanka ee caasumada Garowe ayaa maantay warbaahinta usoo bandhigay karaatoon ay ka buuxaan maandooriyaha khamriga, kaasi oo lagu gubay maantay duleedka barri ee Garowe.

Taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe labo-xidigle Aadan Muuse Jaamac oo shir jaraa?id ku qabtay goobta khamriga lagu gubay ayaa tilmaamay in khamrigaan ay ku soo qabteen hawlgal ay ciidanku ka fuliyeen tuulada Ilmo-adeer oo 33 KM u jirta magaalada Garowe.

Taliye Aadan Muuse Jaamac ayaa ku ammaanay dadwaynaha Garowe sida ay ula shaqeeyaan hay?adaha nabad-galyada, waxaase uu ku baraarujiyay inay sii labo-jibbaaraan sidii ay sugida amamaanka door fiican uga qaadan lahaayeen.

Bishii January ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidanka ammaanka Garowe ay soo bandhigeen karaatoon maandooriye ah iyo raggii watay, waxaana baryahaan dambe magaalada Garowe ka socda hawl-galo baaxad leh oo lagu baadi-goobayo qaybaha maandooriya, argagixisada, iyo xubnaha burcad-badeedda Soomaalida.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: