HomeUncategorized

4 qof oo ku dhaawacmay dibad-bax maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, Sool.

Caption ...

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan.
Shil Sababay Khasaaro Dhimasho oo ka dhacay Duleedka Garowe
SAWIRRO-Dhalinyarada Garoowe oo bilaabay inay gubaan bakhtiga yaacsan hareeraha laamiga magaalada.

Laascaanood, March, 07 ? Inta la hubo 4 qof ayaa dhaawacmay, tiro kale oo dad ahna waa la xir-xiray., kaddib markii dad shacab ah ay sameeyeen dibad-bax ay ku taageerayaan war ku saabsan aqoonsiga DFKS ee maamul-gobolleedka Khaatumo State of Soomaaliya kaasi oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wariye madax-bannaan oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso kuna sugan Laascaanood ayaa Radio Daljir u sheegay in dhaawacyada soo gaaray shacabka ay ka dambaysay kaddib markii ciidamada booliska ay rasaas ku fureen shacabkii bannaan-baxa waday, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in galabtay 04:00pm galabnimo guud ahaanba bandaw lagu soo rogay magaalada oo dhan.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ah mid xakiran caawa, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in dad kor u dhaafaya illaa 40 qof lagu xir-xiray saldhigyada magaaladda, kaddib markii ciidanka bilaysku ay gacanta kusoo dhigeen.

Bannaanbaxyda sababa dhaawacyada dadka shacabka ah soo gaara ayaa ah arrin kusoo noq-noqotay marar badan magaaladda Laascaanood, waxaana dadka shacabka ah ee degmadaasi ku nool had iyo goor ay kasoo horjeedaan aragtida maamulka gacanta ku haya magaaladaasi.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: