SAWIRRO-Dhalinyarada Garoowe oo bilaabay inay gubaan bakhtiga yaacsan hareeraha laamiga magaalada.

Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhaqaaqay olole ballaaran oo ay ku nadiifinayaan xoolaha bakhtiyey ee gaadiidka sida dadka reer guuraaga ah ku daadiyeen hareeraha wadada laamiga ah.

Dhalinyaradaan oo isu soo urursaday si madax banaan kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaada caafimaad iyo midda gaadiidka kasoo gaaraysa bakhtiga xoolaha gaar ahaan ariga ayaa watey gaadiid ay kusoo kireeyeen lacag ay iska ururiyeen iyagoona dab meelo banaan ah ku qabad siinayey bakhtiga xoolaha.

Wajiga 1aad ee ololahaani oo ka bilowday banaanka bari ee magaalada Garoowe ayaa maanta gaarey buundada dooxada Janteela oo u dhexaysa deegaamada Sin-ujiif iyo 22aad ee dooxada Nugaaleed.

Qaar kamid ah dhalinyarada ololahaan hormuudka ah oo kahadlayey goobihii lagu gubayey bakhtiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howshaan mutadawacnimada ah, waxaana ay ka codsadeen dhalinyarada kale inay horumarka dalka u kacaan.

SAWIRRO

IMG_1714 IMG_1715 IMG_1716 IMG_1717 IMG_1718 IMG_1719 IMG_1720 IMG_1721 IMG_1722 IMG_1723 IMG_1724 IMG_1725 IMG_1726 IMG_1732 IMG_1733 IMG_1734 IMG_1735 IMG_1737 IMG_1738 IMG_1740 IMG_1741 IMG_1744 IMG_1745 IMG_1746 IMG_1747 IMG_1748 IMG_1749 IMG_1750 IMG_1752 IMG_1753 IMG_1755 IMG_1759 IMG_1760 IMG_1761 IMG_1762 IMG_1763 IMG_1764 IMG_1767 IMG_1768 IMG_1770 IMG_1771 IMG_1772 IMG_1773 IMG_1775 IMG_1776 IMG_1778 IMG_1779 IMG_1780 IMG_1787 IMG_1791 IMG_1793 IMG_1794 IMG_1795 IMG_1807

XS-Cabdirashiid Bashiir Maxamuud

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com