
Arbaco, May 06, 2015 (Daljir) — Inta la xaqiijey 6-qof aya ku dhintay shil gaali oo galabta ka dhacay deegaanka Birta-dheer oo dhanka Koofureed ka xigga magalada Garoowe.
Shilkan Gaari aya dhacay kadib markii gaariga dadka dhintay saarnayeen oo aha nooca loo yaqaano Market-ay isku dhaceen gaari kale oo Xaajiyad ah.
Warar aan la xaqiijin aya sheegaya in guud ahan ay dhinteen dadki gaariga Market-ka ah saarna,waxana haatan la gaarsiyey dadki shilka galay Isbataalka wayn ee magalada Garoowe.
Goor dhow maamulka Isbitaalka aya warbaahinta u faah-faahin doona sida shirkani u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.
By: Maxamed Xallliye
FAALLOOYIN & FALCELIN