Midowga Yurub oo boqol milyan oo lacagta Euro ah ugu yaboohay AMISOM

Nairobi,Mar 8 -Midowga Yurub ayaa balan qaaday in boqol milyan oo Euro ah,ay ku kordhin doonaan qarashka ay ku bixiyaan howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Madaxa golaha sare ee Midowga Yurub Herman Van Ramboy oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay r/wasaaraha dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay dhaqaalaha ay ugu deeqayaan ciidamada Midowga Afrika inay xoojin doonta la dagaalanka argagaxisada iyo burcadbadeeda wadanka Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga oo ka hadlay dhaqaalaha Midowga Yurub uu siinayo ciidanka AMISOM ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhoweynayaan talaabadaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sirasmi ah ugu biirtay howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya,waxaana masuuliyiinta dalka Kenya ay sheegeen inay dhaqaallo caalamka uga raadinayaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com