Qaraxyo lagu qaaday Hoteel ay saraakiil degan yihiin oo ku yaala Baydhabo iyo baaritaano socda

Baydhabo, August 23, 2013 – Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, waxaa xalayto ka dhacay qaraxyo nooca Bambada gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo lagu eekeeyey meel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Weerarada qaraxyada ee xalayto ka dhacay Baydhabo lama xaqiijin ilaa hadda khasaaraha ay geysteen, waxaana xalay ilaa maanta gelinkii hore la sheegayaa in ay baaritaano ka socdaan gudaha magaalada.

Saxafiyiin ku sugan Baydhabo oo aan la hadalnay waxay sheegeen in weerarada lagu qaaday Hotel ku yaala gudaha magaalada oo ay degan yihiin, saraakiil ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaa hotelka joogay qaar ka mid ah Garsoorayaasha gobolka.

Lama sheegin in khasaare soo gaaray saraakiisha, waxaana hay?adaha ammaanka gobolka Baay ay si cad u sheegeen in ay baaritaano socdaan, oo aysan ka hor dhacayn natiijada ciidamada amaanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com