Soomaaliland oo dusha u ridatay dar-dar gelinta howlihii caafimaad ee MSF ka wadday Togdheer

Burco, August 23, 2013 – Maamulka Soomaaliland ayaa buuxinaya howshii ay banaysay hay?ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ay ka haysay gobolka Togdheer, Xili MSF ay 14 Agusut ka baxday meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Wasaarada caafimaadka ee maamulka Soomaaliland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay la wareegayso dhamaan howlihii caafimaad ee ay ka wadday gobolka Togdheer, hay?ada MSF Belgium oo bulshada u qaban jirtay howlo lacag la?aan ah.

Dr. Suleymaan Xagla-toosiye wasiirka caafimaadka ee Soomaaliland wuxuu sheegay in howlaha Cisbitalka ay u sii socon doonaan sidoodii, wuxuu intaas ku daray in wasaarada caafimaadka ay ka taageeri doonto wixii dheeraad ah ee soo kordha.

Soomaaliland ma aysan shaacin ilaa hadda in howlaha Cisbitalka ay is bedeli karaan oo dhaqaale laga qaadi doono dadkii halkaas ku jiray iyo in kale, waxayse wasaaradu sheegtay keliya in ay howluhu sii socon doonaan.

MSF waxay ka baxday Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba la baxday shaqaalihii ajinebiga ahaa ee Hay?ada ka joogay gudaha dalka Soomaaliya, arrintaas ayaa saamayn ku reebtay adeegyadii caafimaad ee qaar ka mid ah degmooyinka dalka.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com