Qaar kamid ah Ergadii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya oo dhaqan galiyay amarkii Al-shabaab

Qaar kamid ah Ergadii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya oo dhaqan galiyay amarkii  Al-shabaab

iyadoo dhawaan kooxda Al-shabaab ay ku amartay qaar ka mid ah oday dhaqameedyadii iyo ergada soo xushay xildhibaanada baarlamaanka heer federal iyo heer dowlad goboleed in mudo 45 maalmood gudahood ay ku yimaadaan deegaanada ay ka arimiyaan ayaa waxaa gaaray deegaanka Saakow qaar kamid ah ergada loo yeeray.

Al-shabaab ayaa Tirada oday dhaqameedyada iyo ergadan soo gaartay ku sheegay in ay gaarayso 159 ruux, kuwaas oo ka tagay Maamul goboleedyada Hirshabelle,Galmudug,Jubbaland iyo Koofurgalbeed balse majirto odayaal dhaqameed ka yimid deegaanada Puntland oo gaaray deegaanada ay Al-shabaab maamusho.

dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin han jabaad iyo awaamiirta ay Al-shabaab ku soo rogtay odayaal dhaqameedyada soo xula xubana baarlamaanka kamid noqonaya.

sanadka 2021ka Soomaaliya waxaa la filayaa in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa la iswaydiin karaa sida ay taasi ku suurta gali karto iyadoo aynu ognahay xaalada amaan daro ee dalka ka jirta iyo weerarada Al-shabaab ay ka gaysanayaan magaalada Muqdisho.
Diiwaanka warka
radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com