Wasiir Cawad oo la kulmay Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiir Cawad oo la kulmay Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa qaabilay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka oo shalay soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageeridda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalanka argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.

Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gobolka iyo dunida inteeda kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com