HomeUncategorized

Natiijooyinka tartamadii xalay ee dhexmaray dugsiyada sare ee ka qaybgaalaya barnaamijka Tartan iyo Tacliin

Bosaaso, July 19 - Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa xalay galay habeenkiisa todobaad, waxaana barnaamijka ku tartamay dugsiyada sare ee kala ah.

Ururka Al-shabaab oo xiray xarumaha shirkadaha Nationlink, Telecom & Dahabshiil ee koonfurta Soomaaliya.
(Dhagayso) Siyaasi Cawaale oo MD Xassan Shiikh ka codsaday inuu is-casilo
Buuq ka dhashay fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta.

Bosaaso, July 19 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa xalay galay habeenkiisa todobaad, waxaana barnaamijka ku tartamay dugsiyada sare ee kala ah.

1-Cumar Samatar Gaalkacyo? Vs C/laahi Ibraahim Ufayn
2-Sheekh Cismaan Qardho Vs Cumar Binu Cabdilcasiis Bosaaso.

Qaybta hore ayaa tartan xiiso badan oo dadaal ay ku dheehantahay waxaa kusoo bandhigay dugsiga Cumar Samatar oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo iyo C/laahi Ibraahim degmada Ufayn.

Labada dugsi ayaa midkiiba la waydiiyay lix su’aalood uu xaqa u lahaa , waxaana sharciga barnaamijka uu qabaa su’aalaha inuu ka faa’iidaysan karo dugsiga kale ee tartanka kula jira hadii kooxda su’aasha la waydiiyay ay garan wayso.

Cumar Samatar ayaa la waydiiyay lix su’aalood uu xaqa u lahaa , waxaana uu qalday afar ka mid ah su’aalahaasi la waydiiyay gudiga ayaa sheegay sidaasi inuu ku helay Cumar Samatar afar dhibcood.

Dugsiga C/laahi Ibraahim ee ka dhisan degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa la waydiiyay lix su’ aalood, waxaa ay ka jawaabeen afar ka mid ahaa su’aalahaasi , waxaa ay qaldeen laba su’aal sidaasi ayaa C/laahi Ibraahim uu ku qaatay sideed dhibcood iyo sadex uu ka faa’iidaystay dhibcaha guud ee xalay uu helay C/laahi Ibraahim ayaa ah 11- dhibcood , gudiga ayaa sheegay C/laahi Ibraahim inuu sidaasi uu uga guulaystay Cumar Samatar.

Qaybtii kale ee tartanka ayaa waxaa tartamay dugsiyada Sheekh Cismaan Qardho iyo Cumar Binu Cabdicasiis Bosaaso.

Maxamed C/laahi Kaanuu oo ka mid ah gudiga barnaamijka ayaa isagoo ku dhawaaqaya natiijada waxaa uu sheegay dugsiyada Cumar Binu Cabdicasiis iyo Sheekh Cismaan inay kusoo dhamaatay barbar dhac ama bareejo , iyadoo labada dugsi ay kala hoydeen midkiiba hal dhibic maadaamada sharciga barnaamijka uu dhigayo barbar dhaca min hal dhibcood.

Waa barnaamijka ugu balaaran ee tartan? oo loo qabto? ardayda dugsiyada sare Puntland, waxaa maalgalintiisa iska kaashanaya wasaaradda waxbarashada Puntland. shirkadaha Golis Telcom, Salaam Bank iyo idaacadda Radio Daljir oo gaarsiinaysa inbadan oo ka mid ah bulshada ku hadasha Af- Soomaaliga.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: