HomeUncategorized

DF oo ka hadashay eedeyn la xiriirta doorashadii dalka oo ay QM u jeedisay Madaxweyne Xasan sheikh

Nairobi, July 20- 2013 - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn culus oo loo jeediyey madaxweynaha dalka Xasan sheikh Maxamuud, kadib war-bixin dheer oo sanadle ah oo ay soo saareen guddiga.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo M CC Kooshin.
Dhul-beereed ku yaalay Karin oo dab-xoogani qabsaday. iyo qaylo-dhaan gurmad oo waxgaradka tuuladaasi kasoo yeeraya.
Baahin: Isniin, Mar 21, Weriye Kooshin ~ Daljir ~ Garoowe. Gaalkacyo: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka warbixiyay xaaladda ammaanka ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay … Beyla: Burcaddii haysatay qoyska Danish-ka ah oo ka huleelay Karkaar una ruuqaansaday Bari, waraysi ayaad maqli doontaa … Hiiraan: Dagaallada ka dhex socda Alshabab iyo Maamulka dooxada Shabeelle iyo xogtii ugu dambaysay … Godobjiraan: Xaaladda abaaraha oo saamaysay dad iyo duunyo, waraysi ayaad ka maqli doontaan …

Nairobi, July 20- 2013 – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn culus oo loo jeediyey madaxweynaha dalka Xasan sheikh Maxamuud, kadib war-bixin dheer oo sanadle ah oo ay soo saareen guddiga dabagalka cunaqabatayna saaran Soomaaliya iyo Ereteria.

Qoraal shalayto ay shaaciyeen kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan xayiraada saaran Soomaaliya iyo Ereteria ee la yiraahdo Monotering Group, ayaa waxaa lagu sheegay in Xasan sheikh Maxamuud uu taageero dhaqaale ka helay dalka Qadar wakhtigii doorashada.

War-bixinta waxay iftiimisay in lacagtii uu Madaxweyne Xasan sheikh ku galay doorashada ay bixsay Dowlada Qadar oo dano gaar ah ka leh dalka, waxaana arintaasi lagu tilmaamay mid hir gashay, guddigu waxay sheegeen in Xasan sheikh Maxamuud uu dhaqaale fara badan u adeegsaday in la doorto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Ing, Cabdiraxmaan yariisow ayaa arintaasi ka jawaabay, wuxuu ku tilmaamay war-bixinta soo baxday mid khatar ku ah howlaha shaqada ee ay hayso Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Eng. Yariisow wuxuu daaha ka qaaday in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay baaris dheer ku samaynayso eedeynta loo jeediyey madaxweynaha dalka, iyadoo kadib bixin doonta jawaab rasmi ah oo la xiriirta eedeynta kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka xayiraada hubka, waa sida uu hadalka u dhigay.

War-bixinta kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midobey waxaa kaloo aad loogu falanqeeyey arimaha Soomaaliya, gaar ahaan Burcad badeeda, cunaqabayteynta hubka ee dalka, Argagixisada iyo musuq maasuq la sheegay in uu ku baahay gudaha Soomaaliya, war-bixinta oo ah mid dheer, ilaa haatan waxaa? laga bixiyey jawaabo horudhac ah.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: