M/wayne Shariif oo ka degay Jabuuti iyo R/wasaare Farmaajo oo ku sii jeedda Maraykanka.

Muqdisho, May, 07 – Wafti sadex jiho ah oo ka socda dawladda Federalka ah ee Somaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u kale duulay waddamada Maraykanka, Jabbuuti iyo Turkiga ayna kala hoggaaminayaan M/shariif, R/wasaare Farmaajo iyo Wasiirka qorshaynta ahna R/wasaare ku xigeenka Dr C/wali Max?ed Cali.

Waftiga Madaxweynaha ayaa u tagay Dalka Jabbuuti si uu uga qaybgalo xafaladda dhaarta ee M/weyne Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale loo doortay inuu noqdo hoggaamiayaha dalkaasi taas oo birri ka dhici doonta halkaasi, balse warar ayaa sheegaya in labada M/weyne ay yeelan doonaan kulan gaar ah oo ku saabsan xaaladda Somaliya.

M/weyne Geelle ayaa lagu eedeeyey inuu si toos ah u faragaliyo xaaladda Somaliya, waxaana uu dhawaan ku gacan sayray shirkii lagu qabtay magaalada Nayroobi, kaasi ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobey ayna ka qaybgaleen inta badan maamullada Somalid balse uu diiday M/wayne Shariif Sh. Axmed oo ay siyaasad ahaan isku dhaw yihiin M/weyne Geelle.

R/wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waftigiisa ayaa iyaguna u ambabaxay Magaalada New Yourk ee dalka Marayka si uu uga qaybgalo shirka golaha ammaanka ee halkaasi ka furmaya 10-ka bishan, waxaana la filayaa in R/wasaaruhu uu goobtaasi khudbad ka jeedin doono, taasi oo uu kaga hadlayo xaaladda Somaliya gaar ahaan xilliga kale guurka iyo dagaalka ay dawladdu kula jirto xarakada Al-shabaab.

Waftiga sadexaad oo uu hoggaaminayo R/wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka qorsheynta ee dawladda federalka ayaa u duulay dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gali doonan shir ay 10-kii sanaba mar yeesheen waddamada dhaqaalahoodu soo korayo oo ay Somaliyana ku jirto, Waxaana uu shirkaasi furmayaa 9-ka bishan May.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo dad badani ay qabaan in dawladda federalku ay wakhti badan iyo dhaqaale badanba ku bixiso safarada dibadda.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com