Mudane Burhaan ? In hab beeleed mar kale la isku darto, waxaa sabab u ah mucaaradka? (Dhegeyso)

Garoowe, July 25, 2013? – Qaar ka mid ah Xillibaanada Dawladda Puntland oo la hadlay Radio Daljir, ayaa si kulul u eedeeyay mucaaradka Puntland, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay wadaan qorshayaal ay ku maleegayaan in xiddidada ay ugu siibaan jiritaanka iyo deganaashaha nabadda deegaanada Puntland.

Xillibaan Burhaan Aadan oo ka mida xubnaha barlamaanka Puntland ee la soo xiriiray Radio Daljir, ayaa waxaa uu mucaaradka Puntland ku eedeeyey duminta jiritaanka Puntland, iyo abuurista xiisado ay doonayaan in ay ka dhex dhaliyaan qaar ka mida shacabka ku nool deegaanada Puntland,.

Xillibaan burhaan, waxaa uu yiri ” shacabka reer Pl waxay diyaar u ahaayeen in ay codkooda dhiibtaan, taasina waan uga mahad celinayaa, waxaan u sheegayaa shacabka PL in dadka dib noogu soo celiyay nidaamkii ku salaysnaa beelaha in ay yihiin mucaaradka, shacabku taa ha ogaadeen”.

Sidoo kale Xillibaan burhaan aadan, waxaa uu sheegay in Baarlamaanka shalay ay an sixiyeen in habka beelaha mar kale wax lagu doorto, taasina waxaa uu ku tilmaamay in ay u arkeen xal inta loo gudbi doono nidaamka asxaabta badan.

” Arrinta barlamaanku ansixiyey waxaan u aragnay xal, waxaana ugu baaqayaa mucaaradka in ay shacabka ka joojiyaan qoryaha ay isugu dhiibayaan, ayna isa soo sharaxaan hadii ay kalsooni shacab haystaan” ayuu yiri mudane Burhaan

Hadalka Xillibaan burhaan Aadan ayaa imaanaya kadib markii Barlamaanka Puntland uu ?shalayto ansixiyay in xukuumada iyo baarlamaanka cusub lagu soo dooran doono habka ku dhisan Beelaha, kaasi oo Puntland isku dayday in ay ka gudubto balse ay suurta geli weyday, caqabado badan oo la soo dersay kadib.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Mohamed Ali Ahmed ayaa waraystay Xilibaan Burhan Aadan halkan ka dhegeyso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com