
Boosaso, July 25, 2013 – Waxaa xalay si rasmi ah loo shaaciyay isku aadka dugsiyada sare ee usoo gudbay wareega labaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayaan sanadkaan 24- dugsi sare oo ka dhisan deegaanada Puntland.
Tartanka ayaa habeen hore lasoo gunaanaday wareegiisii koowaad, dugsiyada tartamaya caawa iyo wareega labaad ayaa sidaan loo shaaciyay.
Taariikhda July 26, habeenka 17-aad
Al-Nuur Baran iyo Goldogob School
Nugaal Secondary iyo Imaamu Nawaawi? Qardho
Taariikhda July 27, 2013 habeenka 18-aad
Al-Azhar Qardho iyo Nawaawi Garoowe
Shaafici Bosaaso iyo Sheekh Axmed Garaar Waaciye
?
Taariikhda July 28, 2013 habeenka 19-aad
Cumar Samatar Gaalkacyo iyo Sheekh Cismaan Qardho
C/laahi Ibraahim Ufayn iyo Dangoroyo School
Taariikhda July 29, 2013 habeenka 20-aad
Xamdaan Bosaaso iyo Mumtada Burtinle
Barnaamijkaan ayaa waxaa soo abaabulay baahinayana Radio Daljir, waxaana maalgalintiisa iska kaashaday wasaaradda waxbarshada Puntland, shirkadda Golis Telcom, Salaam Bank iyo daladda waxbarshada ee PEN.
?
Diiwaanka wararka
Daljir Bosaaso.
FAALLOOYIN & FALCELIN