Mudaaharaado rabshado wata oo looga soo horjeedo booqashada Faysal Cali Waraabe oo ka dhacay Laascaanood, Sool.

Laascaanood, June 08 – Mudaaharaado rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Mudaaharaadada ayaa eersaday booqasho uu magaalada ku yimid Faysal Cali Waraabe, gudd. xisbiga UCID ee maamulka Somaliland. Dadweyne aad u caraysan oo ku dhawaaqaya hal ku dhegyo ay uga soo horjeedaan booqashada Faysal Cali Waraabe ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada. Faysal oo la qorshaynayey in uu la hadlo dadweynaha magaalada ayaanay u suurtagelin, wax yar kadibna isaga baxay magaalada. Ciidanka bilayska ayaa xabado ku riday dadka mudaaharaadayey, iskuna dayey in ay kala didiyaan, walow aanay u suurtagelin.

Mudaaharaado kuwan la mid ah ayaa ka dhacay Badhan & Dhahar, ee gobolka Sanaag.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com