Midowga Africa oo Somaaliya ugu Deeqay $100,000 Dollar

Midowga Africa oo Somaaliya ugu Deeqay $100,000 Dollar

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa markii la doortay biloowgii Sanadkan waxaa uu bishii March booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Mr Faki ayaa xilligaas ballan qaaday in dadka ay abaaraha saameeteen ee Soomaaliya uu ugu deeqayo $100,000 (Boqol kun ) oo Doollarka Mareykanka ah.

Lacagtaas oo uu lix bilood kaddib bixiyay Musa Faki Maxamed ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena madaxa Howlgalka AMISOM Francisco Madeira.

Lacagtan ayuu Mr Francisco Madeira sheegay in lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya islamarkaana wax looga qabanayo meelaha ay wali ka jirto abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com