Meleteriga Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose

Balli-doogle, July 24, 2013 – Waxaa geeryooday saddex ruux kadib dagaal xalayto ka dhacay deegaanka Balli-doogle ee gobolka shabeelaha Hoose.

Dagaalka habeenimadii xalayto ahayd ka dhacay deegaanka Balli-doogle ee gobolka shabeelaha hoose, ayaa u dhexeeyey ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah iyo dhinac hubaysan oo lagu sheegay Al-shabaab

Wararka aan ka helayno deegaankaas Balli-doogle waxay sheegayaan in kooxda al-shabaab ay iyagu weerar ku soo qaadeen meelo ay fariisimo ku leeyihiin meleteriga Dowlada ee gobolkaasi jooga.

Khasaaraha ayaa lagu sheegay saddex ruux oo geeryootay iyo tiro dhaawac ah oo intaasi ka badan, waxaanse ilaa haatan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labbada dhinac.

Saraakiil ka tirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan Balli-doogle ayaa la hadlay war-baahiinta waxay sheegeen ?saddexda ruux ee geeryootay in ay ka tirsan yihiin dhinacii weerarka ku soo qaaday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com