HomeUncategorized

Qarax khasaare u geystay dad rayid ah iyo saraakiil amaan Oo ka dhacay maanta Muqdisho(Dhegeyso)

Muqdisho, July 24, 2013 - Waxaa la xaqiijiyey geerida Labba ruux oo rayid ah iyo dhaawaca 7 kale, kadib markii gaari lagu soo rakibay miino uu ku qarxay meel ay inta badan dadweynuhu isugu yimaadaan oo ka tirsan degmada.

DHEGEYSO-Maamulka degmada Marka oo xaqiijiyey in Alshabaab magaalada Qabsadeen.
Ciidanka bilayska Puntland oo qabtay gaari nooca xamuulka ah oo siday khamri.
Turkiga oo xoojinaya sii socoshada wada-hadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee ay marti-geliyeen

Muqdisho, July 24, 2013 – Waxaa la xaqiijiyey geerida Labba ruux oo rayid ah iyo dhaawaca 7 kale, kadib markii gaari lagu soo rakibay miino uu ku qarxay meel ay inta badan dadweynuhu isugu yimaadaan oo ka tirsan degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho

Qaraxan oo ahaa mid weyn isla markaasna khasaare badan geystay ayaa la sheegay in lala damacsanaa mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, waxaase qaraxu uu dhacay xili uu xilibaabku ka maqnaa gaarigiisa oo yaalay meel aad u shaqo badan oo ka tirsan Xamar-weyne.

Ilo-xog ogaal ah oo ay la xiriirtay Radio Daljir waxay sheegeen in qaraxa uu khasaare? ka soo gaaray saraakiil ka tirsan booliska degmada Xamar-weyne, balse wararka dheeraadka ah ee isa soo taraya waxay tilmaamayaan in qaruxu ahaa mid lala damacsanaa xilibaanka ka tirsan Baarlamanka.

Wararka aan haatan ka helayno Xamar-weyne waxay sheegaay in goobta ay ka bilowdeen baaritaano, kadib markii uu qaraxu halkaasi ka dhacay iyadoo haatan la daad gureeyey dhaawacyadii qaraxa wax ku noqday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso war-bixinta weriye Abdulahi Suldaan oo Daljir u jooga Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: