DF Oo qorshaysay in dalka laga joojiyo diyaaradaha aan la isku halayn karin duulimaadkooda

Muqdisho, July 24, 2013 – Wasaarada warfaafinta, boosta iyo isgaarsiinta ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ay gebi ahaanba dalka laga joojiyo diyaaradaha waa weyn ee yimaada dalka, kuwaasi oo inta badan aan la isku halayn karin duulimaadkooda.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdulahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira duulimaadka hawada ayaa sheegay in qorshaha ugu weyn yahay in talaabo noocaas ah la qaado, wuxuuse ka dalbaday baarlamanka Soomaaliya in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka duulista hawada.

Docda kale wuxuu sheegay wasiirka warfaafinta in Dowlada Soomaaliya ay haatan diyaarisay qorshe balaaran dhanka duulimaadka ah, kaasi oo muwaadiniinta Soomaalida ah u sahlaya in ay si toos ah u tagaan magaalooyinka ay u socdaan, markay ka duulaan gudaha dalka Soomaaliya.

Horaantii bishaan aynu ku jirno ayaa diyaarad qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud waxay dib ugu soo noqotey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, xiligaasi oo ay la soo deristay cilad dhanka Matoorada ah sida uu sheegay Afhayeenka Dowlada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com