Maxamed Cabdi Aadan Afhayeenkii Xildhibaanada DDS oo iscasily oo haddana Wasiir loo magacaabay

Maxamed Cabdi Aadan Afhayeenkii Xildhibaanada DDS oo iscasily oo haddana Wasiir loo magacaabay

Afhayeenkii Golaha Xildhibaanada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Maxamed Cabdi Aadan
ayaa maanta iscasilay.

Afhayeenka oo ah ragga aadka ugu dhow Kusimaha Madaxweynaha Mustafe Muxumed ma uu sheegin sababta uu isku casilay, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in uu rajo ka lahaa in lagu soo daro liiska wasiirada cusub ee dorraad la magacaabay. Taasina ma ay dhicin, oo waxaa durba iscasilay Afhayeen Maxamed Cabdi Aadan.

Iscasilaada Afhayeenka kabacdi ayaa isla maanta Madaxweyne Mustafe Muxumed waxa uu Md. Maxamed Cabdi Aadan durba magacaabay Wasiirka Macdanta & Tamarta ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS).

Wasiirka cusub ayaa wasaaradiida waxaa ka yaal cabashooyin aad u culus oo ay ugu horreeyaan shidaalka gobolka uu Shiinuhu ka soo saaro oo shacbkii sumeeyey, keenayna cuduro qarsoon oo aan la aqoon iyo waliba dhimasho. Sidoo kale dadka deegaanka ayaan laga shaqaaleysiin shirkadaha baara ama shidaalka ka soo saara gobolka.

Md. Maxamed Cabdi Aadan ayaa muddo ku siman saddex bilood ahaa Xildhibaan DDS.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0