HomeUncategorized

Markab laga leeyahay Turkiga oo ay Burcad Afduubatey. [Akhris …]

Istanbul, July 09-Maalintii Arbacada ahayd ayaa waxaa koox Burcad badeed Soomaaliyeed ah ay afduub u geysatay Markab laga leeyahay dalka Turkiga kaas

Golaha wasiirada Jubbaland oo kulan aan caadi ahayn yeeshay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.
Guddiyada doorashada maamul goboleedyada oo farriin loo diray.

Istanbul, July 09-Maalintii Arbacada ahayd ayaa waxaa koox Burcad badeed Soomaaliyeed ah ay afduub u geysatay Markab laga leeyahay dalka Turkiga kaas oo lagu magacaabo Horizon 1 kaas oo sidey cuf, aad u weyn.

Markabka ayaa waxaa saarnaa 23 Shaqaale ah sida uu sheegey afhayeen u hadley shirkadda leh markabka, lamana garanayo illaa iyo iminka halka ay la?aadeen kooxda burcadda ah inkasta oo ay la soo aadeen dhinaca xeebaha dalka Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee AFP oo wareysi la yeelatey Cumar Osgur oo ku sugan magaalada Istanbul una hadley shirkadda leh Markabka ayaa sheegey in koox Burcad badeed ah ay qafaasheen Markab

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegey in Markabka oo aad u cuslaa ay suurta gashey in ay si dakhso ah ay afduub ugu geystaan kooxda Burcadda badeedda ah.

Markabka ayaa waxaa uu ka yimid dhinaca waddanka Sacuudiga isaga oo ku waajahnaa dhinaca dalka Urdun, waxaana uu sheegey afhayeenka u hadley shirkadda leh Markabka sidoo kale in uu Markabka uu haystey ogolaansho ah in uu soo maro badda Soomaaliya taas oo uu ka heley Maraakiibta ilaalada ka haysa xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegey Cumar Ozgur in saddex burcad badeed ah oo aan hubeysnayn in ay wada xaajoodyo la galeen Kabtanka Markabka isla markaana ay kula sugnaayeen halka laga hago Markabka.

Sanadkii hore ayeey ahayd Markii ay kooxo Burcad badeed ah ay afduubteen Saddex Markab oo laga leeyahay dalka Turkiga ku waas oo markii danbe sii daayey horraantii sanadkaan.

Indhawaalaba waxaa iska yaraa hawl gallada ay ku afduubanayeen kooxaha Burcad badeedda ah Maraakiibta ku safarta marin biyoodka Gacanka Cadmeed.

C/fataax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: