Wafdiga uu hoggaaminayo G/G/Wakiillada ee DG Puntland oo kulan ku yeeshey xarunta Madaxtooyada ee Galkacyo. [Akhris …]

Galkacyo, July 08- Waxaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo kulammo ku aaddan xaaladaha ka jira gobolka Mudug ka yeeshey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka ee DG Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta ee DG Puntland Warsame Cabdi Shirwac, Wasiirka Caafimaadka Dr Bashiir Cali Biixi iyo qaar ka tirsan Wasiir ku xigeenno ka soo jeeda deegaannada Puntland iyo waliba xildhibaannada golaha wakiillada u matala gobolka Mudug.

Waxaana maanta ay ku kulmeen wafdiga xarunta Madaxtooyada iyaga oo ka wada hadley sida ay u waajihi doonaan xaaladaha ka taagan gobolka iyo sida loo dar dar gelinayo hawlaha amni ee gobolka.

Kaddib kulankooda ayaa Dr Bashiir Cali Biixi oo ka mid ah Wafdiga waxaa uu ka warbixiyey ujeeddada socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegey in ay u yimaadeen gobolka socdaal shaqo isaga oo sheegey in safarradii hore uu ka duwan yahay safarkaan, waxaa uu sheegey in ay u kuur galayaan ammaanka gobolka, arrinta kale ee ay sidoo kale u yimaadeen gobolka Mudug ayaa sidoo kale waxaa uu ku sheegey in ay tahay sidii laysugu soo dhaweyn lahaa maamulka iyo shacabka.

Waxaa sidoo kale uu sheegey in ay u yimaadeen gobolka jaan-goynta ciidamada oo deegaannada kale ee Puntland laga hirgeliyey iyada oo gobolka Mudugna ay ka codsadeen maamulka sare in tiro ahaan la kordhiyo ciidamada ka qeyb qaadanayo sugitaanka amniga.

Wafdiga uu xilligan hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa ay isugu jiraan Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Xil dhibaanno ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana ay kulammo ku aaddan arrimaha nabad gelyada iyo maamulkaba ay kala yeesheen maamulka gobolka iyo qaar ka tirsan Bulshada gobolka Mudug iyada oo loo soo jeediyey talooyin ku aaddan sixidda hawlaha amni iyo kan maamul ee xilligan.

Waxaana ay ku sii sugnaanayaan maalmaha soo socda magaalada Gaalkacyo iyaga oo kulammo kalena la sii yeelanaya maamulka gobolka, kan degmada iyo waxgaradka gobolka.

Inkasta oo wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Puntland ay yimaadeen horraantii sanadkaan, waxaana magaalada Gaalkacyo laga dareemayey dhawrkii beri ee la soo dhaafey hawl gallo lagu sugayo amniga iyada oo laga fiiqayey gawaariada ay ku qafilan yihiin bacaha Beersoolka.

C/Fataax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com