MAANHADAL: Shirka aaya katashiga Puntland, ee Garoowe (dhegayso)

MAANHADAL: Shirka aaya katashiga Puntland, ee Garoowe (dhegayso)

Kulanti wacan oo wanagaansa dhagaystiyaal meel walbaad dunida ka joogtaan ku soodhawaada Barnaamijka Maanhadal oo Jimco walba aan ku falaanqeyno xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hadba mowduuci taagan.

Barnaamijka Maanhadal iyo maanta waxaan ku saabsanyahay shirka aaya katashiga ee uu ku baaqay madaxwaynaha Dowladda Puntland, haddaba ma la gaaray waqtigii Puntland ay dib uga tashan lahayd aayaheeda, kadib cabasho isdaba joog ah ay katirsanaysay muddo dheer madaxdii kalle duwanaa ee dowladihii faderaalka Soomaaliya soomaray qaarkood, maxaase iminka shirkan laga filan karaa? maxaase shacabka iyo dowladda Puntland la gudboon marxaladan ay Soomaaliya marayso?

Barnaamjka waxaa Boosaaso ka soo jeedinaya Maxamuud Cabdi Ibraahin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • abdikadir ali mohamud 4 years ago

    asc idaacadda daljir waxaa aad ii soo jiitay oo aan doonayaa inaan kalmad kooban ka iraahdo
    beryahan danbe waxad moodaa in idaacadda daljir ay noqotay meel uu maamulka deni ku gudbiyo hadaf aan aniga iyo inta badan bulshaduba u aragno mid gurrac oo lid ku dawladda dhexe ee soomaaliya iyadoo idaacadda markasta oo aad furto aad kala kulmayso hadalo iyo waraysiyo iyo xitaa warbixino ama su aalo ay weriyaasha daljir waydiinayaan dad lawaray sanayo oo intuba garab marsan kuwii idaacad gaar loo leeyahay ama dhexexaad ah(aysan dawladdu lahayn) lagarabay
    waxad keliya waraysataan mucaaradka weriyaashinu waa mucaarad waxayna maraysaa xitaa markii daljir la maqlo in dad badani idaacadda damiyaan.
    sidaa awgeed waxan idinkula talinlahaa anigoo ah shaqsi kusugan caasimadda puntland jecelna horumarka puntland iyo in idaacadaha puntland lagaleeyahay sumacad fiican leeyihiin in aad bedeshaan qaabka hadda idaacaddu u hawlgasho aa ah hab mucaaradnimo nidaamka dawladda dhexe laga dhadhansanayo.
    mahadsanidin

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com