Taliyihii Saldhiga Boliiska Nuur Salaad ee Bosaso oo La dhaawacay

HomeWararka

Taliyihii Saldhiga Boliiska Nuur Salaad ee Bosaso oo La dhaawacay

Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in koox ku hubeysan bastoolado ay ku dhaawaceen taliyihii Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada

Hogaamiye Firdhiye ayaa fagaare shacabka kala hadlay kaddib markuu kala firdhiyey Somaliland
Taliye Qodhob,”Weerarkii Jeexdin Waxaa Wada Fuliyey Alshabaab iyo Galmudug” (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyadeyeey geeridii G. Sare Cismaan Cumar Maxamed

Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in koox ku hubeysan bastoolado ay ku dhaawaceen taliyihii Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Bosaso Col. Cumar Warsame Ciise xilli uu ka soo baxay masjidka Faadumo ee magaalada Bosaaso.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray taliyaha balse haatan lagu daweynayo isbitaalka National ee magaalada Bosaso.

Rasaastii ay fureen kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaa ku sugnaa, kaasi oo magaciisu lagu sheegay Mamamad Axmad Maxamad oo ku magac dheer Baariyow, kana mid ah derawalada gaadiidka dadweyanaha .

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday halka ay ku weerareen Korneylka,hase yeeshee goor dambe ayaa waxaa gaaray ciidamad amniga magaalada Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaan wanaagsanayn iyadoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay weeraro ka geystaan magaalada mudoo yinkii udambeeyay.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dhaawacay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Maxkamada racfaanka gobolka Bari Mustaf Axmed Aadan, taas oo ahayd labo habeen ka hor.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: