Maamulka Jubbaland oo soo bandhiga shaqsi ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo soo bandhiga shaqsi ka tirsan Alshabaab

Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Warbaahinta u soo bandhigtay Sarkaal sare oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab balse

Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Kismaayo
Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Jowhar gaaray

Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Warbaahinta u soo bandhigtay Sarkaal sare oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab balse isku-soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo ktirsan gobolka jubbada Hoose

Sarkaalka ayaa Wasaaradda Amniga Jubbaland waxaa ay Magaciisa ku sheegtay Sharmaarke Cabdinaasir Axmed,isla markaana mudo 10 Sano ah uu ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab sigaar ah kooxda loo yaqaano jugta culus ee fulisa weerarada ka dhanka ah ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim ayaa sheegay in Sarkaalkaas uu ka mid ahaa Saraakiisha Shabaab ugu sareysa,,isla markaana uu iska-soo dhiibay degmada Jamaame,hayeeshee uu ka dalbaday inay Shacabka Soomaaliyeed ay cafiyaan maadaama dhibaatooyin hore uu u geystay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada kale iyo xubnaha ku jira Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland,isla markaana ay soo dhaweynayaan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: