Xaliimo Yareey oo ku baaqday in laga raro Xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada

Xaliimo Yareey oo ku baaqday in laga raro Xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ku baaqday in Guddigooda laga soo raro xarunta ay haatan ku shaqeeyaan oo ku dhex taala madaxtooyada Soomaaliya,kaddib caqabado soo wajahay Guddigooda.

Waxa ay dalabkeeda saldhig uga dhigtay in aan lagu soo booqan karin xafiiskooda oo ay ku adag tahay dadka ay wada shaqeynta kala dhexeyo sidii ay u gaari lahaayeen xaruntan, iyadoo tilmaamtay in arrintaasi ka mid tahay caqabadaha ku horgudban howsha Guddiga.

“Horta Caqabada noogu weyn waxaa waaye xarun aan ku shaqeysano ma heysano, waa caqabada noogu weyn runtii oo maanta na heysato oo dhibaato ku ah sidii annaga iyo Xisbiyadii iyo bulshadii inteeda kale aan isku arki leheyn meel nabad ah oo aan sahlaneyn gaaristeeda ayaan deganahay” ayey tiri Gudoomiyaha.

Guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka ayaa meesha ka saartay in dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin iney iclaamiyaan xilliga rasmi ahaan ay dalka ka dhaceyso doorashooyinka, iyadoo tilmaamtay howshaas iney qeyb ka tahay shaqada Guddigooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com