Maamulka Beledweyne oo diiwaan gelinaya hay?adaha gargaarka iyo kuwa maxaliga ah ee Hiiraan

Beledweyne, August 17, 2013 – Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya in la diiwaan geliyo hay?adaha kala duwan ee ka shaqeeya gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi faarax (Laqanyo) ayaa sidaasi sheegay, wuxuu gudoomiyuhu u sababeeyey arintaasi in ay muhiim u tahay shaqada bulshada ay hay?aduhu qabtaan.

Mudane Laqanyo wuxuu kaloo sheegay in hay?adaha gaar ahaan ay arintaani ka caawinayso in ay maamulku ogaadaan amaankooda, si aan dhibaato loogu geysan, iyadoo laga war helayo shaqaalaha u shaqeeya hay?adaha kala duwan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa hadalkaasi wuxuu ka jeediyey kulan ka dhacay Beled-weyne oo ay goob joog ka ahaayeen, waxgaradka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaas, kaas oo looga arinsaday xaalada gobolka.

Magaalada Beledweyne inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado dadka waxgalka u ah bulshada, sida saraakiisha ciidanka, Madaxda, shaqaalaha hay?adaha, Cuqaasha iyo saxaafada.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com