Boolis ka tirsan AMISOM oo gaaray Baydhabo iyo laamaha amaanka Baay oo heli doona tababaro

Baydhabo, August 17, 2013 – Magaalada Baydhabo waxaa gaaray ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa AMISOM ee howgalka nabad ilaalinta ka wadda dalka Soomaaliya, ciidankaas ayaa la shaqeyn doona kuwa booliska dowladda.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay Mahad Cabdiraxmaan ayaa la hadlay war-baahinta wuxuuna sheegay in ciidankaas ay soo gaareen magaalada, iyagoo fulin doona howgalada amni sugida ah.

? waa boolis ka tirsan AMISOM waxay la shaqeyn doonaan kuwa dowladda federaalka ah ee gobolka jooga, arintan waa mid muhiim ah? ayuu yiri taliye Mahad.

Docda kale taliyuhu wuxuu rajo ka muujiyey in ciidamada AMISOM ee halkaas gaaray ay qeyb ka noqon doonaan tababarada la siiyo ciidamada booliska dowladda ee gobolka, taasi oo ah mid muhiimad gaar ah u leh.

Taliska booliska gobolka Baay ayaa muujiyey in ciidamada dowladda ee gobolkaasi ay qaban karaan shaqooyinka looga baahan yahay, laakiin waxaa ka dhiman tababaro caalami ah oo dar dar geliya howlahooda shaqo.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com