London Qarax Ayaa Kadhacay Waddo Tareen (Sawiro)

Warbaahinta Dalka Uk Ayaa Baahisay in Qarax ka dhacay waddo dhulka Hoostiisa ah oo ay Maraan tareenada ayaa sababay khasaaro dhaawacyo ah qaraxaas oo ka dhacay Koofur galbeed ee magaalada London, waxaana deg deg goobta ku gaaray ciidamada booliska iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka,kuwaas oo daabulaya dhawaacyada iyo dadka dhintay.

Booliska ayaa baaraya waxyaabaha qarxa oo aanay geysan waxyeelo aad u weyn, balse dadkii saarnaa tareenka ayaa kala cararay, qaarkood waa ay is buurteen sida ay shaaciyeen Saraakiisha Booliska UK.

Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay dareen iyo feejignaan ku aadan qatarta kooxaha argagixisada ka imaaneysa Waxaana heegan buuxa la galshay Laamaha amaanka Guud ahaan UK.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com