Madaxweynaha Jubbaland oo Gaaray Magaalada Doolow (Sawiro)

Madaxweynaha Jubbaland oo Gaaray Magaalada Doolow (Sawiro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Doolow ee Gobalka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan uu la qaato Saraakisha Ciidamadda dowladda iyo kuwa Etooboiya sida ay shegayaan qaar kamid ah saraakisha Jubbaland .

Warar kale oo Daljir heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu kala hadli doono ciidamada AMISOM Waxyaabaha hortaagan in lagu qaado Alshabaab Weraaro gobalka Gedo looga saarayo,maadama ay soo kordheen alshabaab weraarada ay ka geeysanayaan gobalka Gedo.

Al-Shabaab ayaa weeraro is xig-xigay ku kala qaaday 3-dii bishaan Deegaanka Buula Gaduud oo Gobolka Jubada Hoose katirsan iyo Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo oo ay weerareen 11-ka bishaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com