Ciidamada PSF oo Qardho Maanta ka sameyeey Dhirbeeris (dhegayso+Sawiro)

Ciidamada PSF oo Qardho Maanta ka sameyeey Dhirbeeris (dhegayso+Sawiro)

Ciidamada Xooga Puntland ee PSF ayaa Maanta ka bilaabay Magaaladda Qardho ee Xarunta gobalka Karkaar dhirbeeris,taas oo ay soo dhaweyeen shacabka Magaaladda Qardho.

Korneyl Bashiir Bicir oo Kamid ah Saraakisha hogaaminaysay dhirbeeristan ayaa sheegay in ay dhirtan tahay mid lagu qurxinayo Magaaladda Qardho ,sido kalena ay qayb weyn ka qaadanayso Hormarka.

Dhirtan ayaa Ciidamadu ku Beereen Hareeraha Wadooyinka laamiga ah ee Magaaladda Qardho,taas oo dadku siyaabo kala duwan usoo dhaweyeen howshay wadaan Ciidamadan.

Ciidamada PSF Ayaa degaano Badan oo Puntland ah kawaday sanadihii u dambeyeey dhirbeeris,waxaana horey dhir Beeris lagu soo sameyeey Magaalooyinka Boosaaso,Garowe,Gaalkcyo,kuwaas oo kamid ah Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland.

Wariye Maxamuud Fantastic ayaa Warbixintan kasoo diray Qardho

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com