Laamaha Amniga Garoowe oo fashiliyey Qarax miino iyo baaritaano lixaad leh oo socda (Dhegeyso)

Garoowe, August 24, 2013 – Ciidamada ammaanka ee magaalada Garowe ayaa xalayto fashilyay qarax miino, kaas oo horay loogu aasay meel u dhow gurriga wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland, oo ku yaala xaafada 1-da August ee magaalada Garowe.

Talyaha qaybta gobolka Nuugaal Gaashaale sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo la hadlay idaacadda Daljir ayaa sheegay in warbixinta qaraxaan ay heleen galabta, kaddibna ay ciidamada ammaanku qaraxaasi fashiliyeen.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada amnigu ay wadaan baaritaano xooggan oo ku aadan in ay gacanta ku soo dhigaan ciddii ka dambaysay qaraxaasi.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Maxamed Kooshin oo Daljir ka tirsan ayaa waraystay taliye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com