HomeUncategorized

Dowladda oo bur-burisey isbaarooyin sharci daro ah oo yaalay gobolka shabeelaha hoose (Dhegeyso)

Marka, August 24, 2013 - Waxaa la qaaday in ka badan 30 isbaaro oo yaalay inta u dhexeysa Af-gooye ilaa Marka, taas oo ciidamada dowladda federaalka ah ay dhigteen isla markaasna ay ku qaadan.

Sadex qof oo Al-Shabaab lala xiriirnayo oo Muqdisho lagu soo bandhigay
Sawirro-Qaabkii ciidanka difaaca Puntland ula wareegeen degmada Qandala.
Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad kulan yeeshay muddo dhawr bilood ah. [Akhris …]

Marka, August 24, 2013 – Waxaa la qaaday in ka badan 30 isbaaro oo yaalay inta u dhexeysa Af-gooye ilaa Marka, taas oo ciidamada dowladda federaalka ah ay dhigteen isla markaasna ay ku qaadan jireen lacago sharci daro ah.

Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa safar dhulka ah ku maraya gobolkaas, xili uu shalayto ka amba baxay magaalada Muqdisho, waxaana uu safarkiisa ku salaysan yahay meel marinta heshiis la dhex-dhigay beelo ku dagaalamay aaga Marka.

Howgalka lagu qaaday isbaarooyinka shabeelaha hoose ayaa waxaa bilaabay ciidamada dowladda ee la socday wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya, waxaana howgalkaas lagu macneeyey mid qeyb ka ah hubinta hir-gelinta heshiis la dhexdhigay beelo dagaalamay iyo adkeynta amaanka gobolka.

Gadiidlayda shabeelaha hoose ayaa maanta sheegaya in ilaa xalay ay dareemeen nafis wanaagsan, xili aysan jirin wax isbaaro sharci daro ah oo gebi ahaanba taala gobolkaas.

Docda kale Gudoomiye ku xigeenka Amniga gobolka shabeelaha Hoose Cabdulaahi muuse Abukar ayaa isna Daljir uga waramay safarka wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya, oo intiisa badan loogu kuur gelayo xaalada guud ee gobolkaas.

Ugu dambeyntii ?safarka wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa sii socon doona, waxaana inta badan diirada lagu saarayaa in la hir-geliyo heshiiska beelo horaantii bishaan ku dagaalamay deegaano ku dhow Marka, balse markii dambe ay dhexgashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: